Amina J. Mohamed oo u dhalatay Nigeria oo loo magacaabay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM.

Wasiirka Deegaanka ee dalka Nigeria, Amina J. Mohamed ayaa loo magacaabay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM, António Guterres.

Afhayeenka Xoghayaha Guud, Stephane Dujarric ayaa ku dhawaaqay magacaabistaasi, sida ay baahisay Wakaalladda Wararka Nigeria ee “The News Agency of Nigeria (NAN)”.

Amina J. Mohamed waxay haatan tahay Wasiirka Deegaanka ee Nigeria, waxayna horey u ahayd Kaaliyaha iyo Xoghayaha Guud ee QM ee xilka ka sii degayo iyo La-taliyahiisa Khaaska ee Qorsheynta Horumarinta ee “Post 2015 Development Planning.

Waxay bishii June 27-dii ee sannadkii 1961-kii ku dhalatay magaalladda Gombe oo Caasimad u ah Gobalka Gombe ee W/bari ee dalka Nigeria

Dhinaca kale, Antonio Guterres waxa uu xilal sare u magacaabay Maria Viotti oo u dhalatay dalka Brazil iyo Kyung-wha Kang oo u dhalatay dalka Koonfurta Kuurya.

Sidoo kale, Maria Luiza Ribeiro Viotti oo u dhalatay dalka Brazil waxaa uu u magacaabay Madaxa Diiwaankiisa (Chef De Cabinet.).