DEGDEG: Ninkii dadka Soomaalida ku dhaawacay Masjid ku yaalla Switzerland oo la sheegay inuu is-dilay.

Hadal-qoraal oo ay Boliska dalka Switzerland soo saareen ayaa lagu sheegay inuu is-dilay Gacan-ku-dhiiglihii Fiidnimaddii xalay toogashadda ku dhaawacay 3 qof oo Somali ah oo Salaadda Maqrib ku tukanaysay Masjid ku yaalla magaalladda Zurich.

Boliska waxay xaqiijiyeen in maydka Ninka wax toogtay laga helay meel 300 mitir u jirta Masjidka uu dadka ku soo toogtay.

Hadal-qoraal oo la soo dhigay Websaytka Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in maydkaasi laga helay meel ku dhow Buundada Gessener Bridge, waxaana ka muuqday dhaawacyo rasaaseed.

Boliska ayaa la filayaa inay Shir Jaraa’id qabtaan abaaraha 13:00 GMT oo u dhiganta 05:00 galabnimo ee Bariga Afrika.

Wakaalladda Wararka AFP ayaa soo bandhigtay wax u muuqday mayd haysta qori oo yaalla dhismaha ku xiga Masjidka, iyadoo derbiguna wada dhiig noqday.

Dhinaca kale, Toogashadda maqribnimadii xalay ka dhacday Markaz-ka Islaamiga waxaa dadkii lagu dhaawacay kala ahaayeen Iimaamka Masjidkaa, Sheekh Mustafa Cali Khaliif iyo labo ka mid ah Jameecadda ku tukanaysay Masjidka.

2 ka mid ah Dhibanayaasha ayaa weli ku sugan xaallad Khatar ah, sida laga soo xigtay ilo dhinaca Caaimaadka.

Markaz-ka Islaamiga ee Eisgasse ee magaalladda Zurich waxaa la asaasay sannadkii 20112-kii, waxaana inta badan ku cibaadaysata tiro badan oo Qaxootiga Soomaalida iyo Muslimiin kale oo u kala dhalatay dalka Eriteria iyo Waqooyiga Afrika.

WQ. Ahmed Hagi Ugaaska