Wiil la dhashay gabdhihii dhawaan lagu dilay dalka Kanada oo lagu soo oogay inuu geystay dilkaasi.

Waxaa shalay caasimadda dalka Kanada ee Ottawa lagu aasay Labo Gabdho oo Walaalo ah, kuwaasi oo habeenkii Jimcihii lagu dilay gurigooda oo ku yaalla Ottawa.

Labada Marxuum ayaa la kala oran jirey Nasiiba C/raxmaan Axmed Nuur oo 29-jir ahayd  iyo Asma C/raxmaan Axmed Nuur oo 32 jir ahayd ayaa la sheegay in maalintii Jimcihii lagu dilay Tooreey, xilli ay ku sugnaayeen gurigooda.

Boliska dalka Kanada ayaa bilaabay baaritaanka dadkii ka dambeeyey dilkaasi, waxayna qabteen ilaa 2 qof oo lala xiriirinayo dilka loo geystay gabdhahaasi.

Warbaahinta dalka Kanada ayaa qortay inay Boliska qabteen wiil la dhashay gabdhahaasi oo lagu magacaabo Muscab C/raxmaan Ahmed Nuur oo 29-jir, kaasi oo lala xiriirinayo dilka gabdhaha ay walaalaha ahaayeen.

Eedeysanaha waxa uu diiday inuu ka soo baxo Xabsiga uu ku xiran yahay iyo inuu ka hor muuqdo Maxkmaadda, balse waxay Xeer-beegtida ku soo oogeen Dembiga Dilka ee Heerarka Koowaas iyo Labaad (The first and second-degree murder).

Eedeysanaha waxaa lagu qabtay meel ku dhow Guriga Qoyskiisa, wax yar kadib  dilka, waxaana loo gudbiyey Isbitaal dhaawacyo fudud oo soo gaaray awgiis.

Wararka qaarkood ayaa sheegayo inuu Eedeysanaha Muscab C/raxmaan Ahmed Nuur inuu qabo cuddurka Dhimirka, sida ay sheegeen qaar ka mid ah Saxaiibadiisa iyo dadka ku dhow Qoyskiisa.