Qoys Soomaaliyeed oo sheegay in dhul-boob uu ku hayo Sarkaal ka tirsan Nabad Sugida

Macalin Xasan Geesy oo ka mid ah Shacabka ku dhaqan Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa cabasho k muujiyay dhul boob uu ku hayo Guddoomiyihii hore ee Degmada Dharkeenleey Aadan Dheere oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Nabad Sugida.

Macalin Xasan ayaa tilmaamay in dhulkiisa uu ku yaallo Degmada Dharkeenleey ay Ciidamo u keensadeen Sarkaal Aadan Dheere iyo Aabihiisa kuwaasi oo doonaya in dhulka ay si xoog ah ugala wareegaan.

Ugu dambeyn, Macalinka ayaa xusay in Guddoomiyihii hore ee Degmada Dharkeeleey Cumar Meyre Macoow uu ka qaaday lacag dhan 10 kun oo uu ku sheegay in dhulkiisa loogu sharciyeynayo.