Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho xili ay soo baxayeen…

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa galabta booqday xarunta safaaradda dowlada Imaaraadka Carabtu ku leedahay magaalada Muqdisho.

Xasan Shiikh oo ay la socdeen masuuliyiin iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowlada Somalia ayaa sidoo kale booqday isbitaalka Imaaraadka Carabta oo ku dhow xarunta safaarada.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha safaaradda iyo Isbitaalka, isagoo u kuurgalay sida howlaha xarumahaas ay u socdaan, iyadoo ay ku soo dhoweeyeen madax ka tirsan Safaaradda.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay xili mudooyinkan ay soo baxayeen warar sheegaya inuu xumaaday xiriirka dowlada Imaaraatka iyo madaxweynaha ka dib markii Imaaraatku ay ka soo horjeesatay in Xasan Shiikh uu dib ugu soo laabto talada dalka, iyagoo dhinaca kale taageerayey musharaxiin kale, waxaana fara gelinta Imaaraatka ee arrimaha Somalia ay aheyd mid aan horey loo arag oo Soomaali ka badan ka yaabisay.

Madaxweynaha ayaa xarunta safaarada ka sheegay in xiriirka labada dal ee Somalia iyo Imaaraatka u yahay mid soo jireen ah oo aad u wanaagsan.

Xasan Shiikh ayaa uga mahad celiyey dowlada Imaaraatka carabta taageerada iyo mashaariicda ay ka waddo Somalia oo uu u xusay iney yihiin kuwo faaiido badan u leh shacabka Soomaaliyeed.

“Maalmahan waxaa socday warar been abuur ah oo lagu waxyeeleynayo xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada dowladood, waxaan halkan ka cadeynayaa in xiriirka labada dowladood uu aad u sii xoogeysanayaa waana mid sii jiri doona weligiis” ayuu yiri madaxweynaha Somalia.

Ku-xigeenka Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Somalia Xamdaan Rashiid Al-Shamsa ayaa isna ka mahad celiyay booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ku tegay Safaaradda.

“Labada dowladood ee Somalia iyo Imaaraatka waa walaalo. Xiriirkoodu ma xumaan mana xumaan doono weligiisna wuu jiri doonaa siina xoogeysan doonaa” ayuu yiri Xamdaan Rashiid Al-Shamsa.