WAR DEG DEG AH: RW Sharmaake iyo Xildhibaanadii ugu horeyey oo ka socda Puntland oo ka dhoofay Garoowe

Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Xildhibaano la socda ayaa ka dhoofay goor dhaw Madaarka magaalada Garoowe, iyagoo ku sii jeeda magaalada Muqdisho.

Raysalwasaare Sharmaake ayaa kulamadii ugu dambeeyey oo uu la qaatay Madaxda ugu sareysa Puntland iyo Xildhibaanada labada Aqal waxaa si cad loogu balan qaaday in uu Puntland xubnaheeda heli doono.

Xildhibaanadan ka dhoofay Garoowe waa markii ugu horysay oo ay aadayaan Muqdisho, xili la dhisayo dawlad cusub oo afarta sanno ee soo socota Hogaaminaysa dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.