Mareykanka & QM oo Taageeray Digreetadii uu Madaxweyne Xasan ku meel mariyey Hanaanka Doorasho.

11914-full-so& QM oo Taageeray Digreetadii uu Madaxweyne Xasan ku meel mariyey Hanaanka Doorasho

 

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay si buuxda u taageersan tahay xeerka madaxweynaha Soomaaliya uu ku ansixiyay hannaaanka doorashada Soomaaliya ee 2016.

 

Ku xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka Mark Toner ayaa Washington ka sheegay in Maraykanku uu Soomaalida oo dhan ku boorinayo inay si wadajir ah ku taageeraan go’aankan.

“Waxaan ugu baaqeynaa Soomaalida in dikreetada madaxweynaha la taageero oo la fulayo, waxaana Maraykanku ballanqaadayaa inuu gacan ka gaysto fududeynta fulinta go’aanka madaxweynaha” ayuu yiri Toner.

Dhinaca kale, war saxaafadeed ka soo baxay golaha amniga ee QM ayaa lagu sheegay in xubnaha golaha ay so dhaweynayaan go’aanka madaxweynaha ee lagu ansixiyay hanaanka doorashada.

Waxa ay sheegeen in go’aanka uu gacan ka geysanayo hirgalinta iyo qaban-qaabada dhinaca farsamada ee doorashada.