Qaramada Midoobay oo shaacisay in Amniga doorashada Soomaaliya ay sugayaan AMISOM & Ciidanka Puntland.

KeatingQaramada Midoobay oo shaacisay in Amniga doorashada Soomaaliya ay sugayaan AMISOM & Ciidanka Puntland.

Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya , Michael Keating ayaa si diiran usoo dhaweeyay Xeerkii Madaxwaynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya uu ku ansixiyay Arrimaha Hanaanka doorasho ee Soomaaliya kaas oo Baarlamaanka Soomaaliya khilaaf iyo isfaham daro ka dhex abuuray.

Waxaa uu sheegay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Michael Keating, in hada ay QM ay haystaan War wanaagsan oo ay ku diirsadeen kaas oo ah in xiliga doorashoda Soomaaliya ay dhacayso waqtigii loogu tala galay.

 

Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia, Michael Keating Waxaa uu sheegay in dooda Aqalka sare ay aad uga taagnayad mar uu 4 sacadood la sheekaystay Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in hawsha hadii loo dayn lahaa ay qaadan lahayd Maalmo badan iyo sanado.

Waraysigan uu siiyay VOA qaybteeda Soomaaliga ayuu ku sheegay in cida carqaladaynaya doorashada ay ka hortagayaan, waxaana uu sheegay in Ciimada AMISOM iyo kuwa Puntland ay amaanka doorashada sugi doonaan.

Waxaa uu sheegay in meelaha kale ee ciidanka Soomaalkida ayjoogaan door ku yeelan doonaan arrimaha doorashada, waxaana intaas uu raacshay in taageeradaas ay beesha caalamka diyaarinayso.

Mar lawaydiiyay Afduub la sheegay inay danaha Soomaaliya ku hayaan ayuu sheegay in kaalintoodu tahay in Soomaalidu kulanto, iyadoona laga taageerayo kharashka iyo hawlaha duulimaadyada ay u baahan yihiin, waxaana aan anagu diidanahay hanaanka 4.5 kaas oo aduunka meelna aan ka jirin.

Waxaa uu sheegay ina ysan waxba uga mashquulin arrimaha Soomaalida sida ay wax u qaybsanayso balse ay u fududaynayaan Soomaalida in wakhtigii loogu talo galay ay dhacdo Doorashada dalka.