William Rutto “Qorshaheena waa inaan dadajino xerista Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab”

william-ruto-500x306William Rutto “Qorshaheena waa inaan dadajino xerista Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab”

Wilyam Rutto Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya ayaa sheegay inay Kenya ka go’an tahay in la xero xerada Dhadhaab, islamarkaana ay diyaariyeen kharashka ku bixi lahaa dib u soo celinta Qaxootiga Soomalida.

 

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya ayaa hadalkaasi ka hor sheegay madaxdii ka qeyb galaysay shirka calamiga ee arrimaha Bini aadamnimada ee ka dhacaayay dalka Turkiga.

 

Wilyam Rutto ayaa khudbadiisa ku sheegay in xeradu ay tahay meel aydowladda Kenya ay u aragto inay tahay meel ay hoy u noqotay argagexisada iyo kanaal ay soo maraan taasi oo khatar ku ah deegaanka Kenya.

 

“Qorshaheena waa inaan dadajino xerista Xeryahaasi khatarta ku ah ammaanka dalkeena” ayuu yiri Wilyam Rutto Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya.

Dhanka kale Dowladda Kenya ayaa marti galisay ku dhawaad 600,000-qof oo qaxooti Soomali ah ilaa sanadkii 1990-ki.