Talyaaniga Oo Dhaqaale Uga Qeyb Qaadanayo Gurmadka Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Zoobe

Dowladda Talyaaniga ayaa Soomaaliya ugu deeqday gargaar Lacageed oo ay ugu tala gashay in ay ku caawiso dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Sabtidii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Talyaaniga Angelino Alfano ayaa sheegay in dowladdiisa ay sanduuqa gargaarka deg deg ah ay ka bixi doonto Lacag dhan 300,000 oo Euro ah, taas oo loogu tala galay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.

“Deeqda aan ugu tala galnay Soomaaliya waxa uu qorshaheedu yahay in aan u sii marsiino, hay’adda Bisha Cas, waxaana loo isticmaali doonaa in lagu iibiyo Daawo lagu baxnaaniyo dadkii ku dhaawacmay qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Angelino Alfano.

Waxaana uu intaasi sii raaciyay Wasiirka arrimaha Dibadda ee Talyaaniga in ay caafimaad u rajaynayaan dadkii dhaawacyada ay soo gaareen.

Kaalmada dowladda Talyaaniga ayaa qeyb ka noqonayso dadaaladada wadamada Caalamka qaar kood ay ku caawinayaan Soomaaliya, gaar ahaan shacabkii ay dhibaatada culus uu ku reebay qaraxii Zoobe.

Qaraxii Sabtidii ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sababay geerida in ka badan 300 oo ruux iyo dhaawac intaasi ka badan.