Gaari Siday Walxaha Qarxa Iyo Rag La Socday Oo Lagu Qabtay Ceelwaaq

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen gaari la sheegay in ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa.

Gaariga oo uu nuuciisu ahaa Canameydle ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ciidamada milateriga dowladdu ay ka qabteen gudaha Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Garaad Faarax oo ka mid saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobolkaasi ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen gaarigaasi iyo 3 nin oo la socotay,

Waxaana uu tilmaamay in ay saaranyihiin gaariga la qabtay Caago ay ka buuxaan waxyaabo dareero Kiimiko ah oo uu xusay in laga sameeyo qaraxyada.

Sidoo kale Garaad Faarax ayaa hoosta ka xariiqay in gaarigaasi uu ka yimid dhanka Kenya, islamarkaana ay qabteen, xilli uu marayay qeybo ka mid ah degmada Ceelwaaq ee Gobolka Geedo.

Waxaana uu sheegay in gaariga iyo Raggii la socday ay ku wareejiyeen ciidamada dowladda Kenya, kuwaas oo baaritaano ku haya Raggaasi.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa inta badan weeraro qaraxyo ah kala kulma Al Shabaab, xilliyada ay isaga kala gooshayaan Gobollada, Gedo iyo Jubbooyinka.

Waxaana deegaano ka tirsan Gobolladaasi gacanta ku haya dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.