KHAAS): Talyaaniga Oo Dib Looga Furay Baaritaano Cusub Oo Ku Aadan Suxufiyiin 23-Sanno Ka Hor Lagu Dilay Muqdisho

Xeer-ilaalinta Maxkamad ku taalla caasimadda dalkaasi ee Rome ayaa sheegtay inay fureen Baaritaano cusub oo Dacwadeed oo ku aadan dilkii Saxfiyad Talyaani ah oo la oran jirey Ilaria Alpi iyo Sawir-qaadaheeda, Miran Hrdvatin oo Muqdisho lagu dilay sannadkii 1994-kii.

Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa shaacisay in Ilo ku dhodhow Garsoorka  u sheegeen in Baaritaanka cusub ku wajahan yahay mid ka mid ah Markhaatigii keliya ee Dacwadaasi ayaa  looga shakisan yahay inuu warar been ah u sheegay Xeer-ilaainta Maxkamadda.

Markhaatiga oo lagu magacaabo Axmed Cali Raage, laguna naanayso Geelle ayaa la tilmaamay inuu cillado ka hor iftiimiyey Maxkamadda magaalladda Perugia, taasi oo bishii October 19-dii ee sannadkii hore sii daysay Eedeysanihii loo haystay dilkaasi, Xaashi Cumar Xasan oo isaga  soo dhamaystay Xabsi dhan 16-sanno.

Dacwad-ooge Dario Razzi ayaa Maxkamadda xilligaasi u sheegay inuusan Xaashi Cumar Xasan uusan gelin fal-dembiyeedka lagu soo oogay, isagoo ahaa Eedeysanaha keliya ee loo haystay dilkaasi.

Saxfiyad Ilaria Alpi oo 32-jir ahayd iyo Sawir-qaadaheeda, Miran Hrdvatin waxay  u shaqeynaysay Telefishinka Dowladda Talyaaniga ee Janalka RAI 3, waxayna Muqdisho u yimaadeen si ay u baaraan Falalka Maafiyadda Talyaaniga ee ay Haraagga Qashinka Nukliyeerka ku daadin jirey Xeebaha  Somalia.

 

Labada Saxafi waxaa la sheegay in iyagoo maraya waddo ka mid Muqdisho bishii March 20-dii ee sannadkii 1994-kii ay toogteen 7 qof oo hubeysan.

Sannadkii 2015-kii, Axmed Cali Raage  oo lagu naanayso Geelle  oo ahaa Markhaatiga muhiimka ee Kiiskaasi ee horseeday in la soo xiro Xaashi Cumar Xasan ayaa Maxkamadda ka hor sheegay inuu Xaashi lahayn wax dembi ah, kana mid ahayn dadkii dilay Suxufiyiinta.

Axmed Cali Raage  oo bishii February ee sannadkii 2015-kii la hadlay  Teleshinka RAI 3 waxa  uu sheegay in isaga laga codsaday inuu ku markhaati-furo Xaashi Cumar Xasan.

Baaritaanka haatan lagu furay Ninka Markhaatiga ah ayaa laga yaabaa inay socoto sannooyin kale.