Milkiilaha Universal TV Oo Maalintii 2-Aad Ku Xiran Magaalladda Hargeysa.

Eng. Axmed Abuukar oo ah Milkiilaha Universal TV ayaa weli u xiran Maamulka Somaliland, kadib, markii ay Ciiddanka Ammaanka shalay ka qabteen magaalladda Hargeysa.

Maamulka Somaliland oo maalmahan Caburin xooggan ku haysa Suxufiyiinta iyo Fannaaniinta, waxay gelinkii dambe ee shalay xabsiga dhigeen Milkiilaha oo booqasho caadi ah ku tegay Hargeysa, si uu u booqdo Xafiiska Universal ee Somaliland.

Ma cadda sababaha rasmiga ee loo xiray Eng. Axmed Abuukar, balse waxaa aad loo hadal-hayaa inuu xarigiisa salka ku hayo Barnaamijka Faalliyaha Qaranka ee ka baxa Telefishinkaasi, kaasi oo inta badan lagu soo bandhigo Dhacdooyinka xasaasiga ee Siyaasadda.

Xarigiisa ayaa noqonayo kii Labaad oo xubin ka tirsan Telefishinkaasi ee ay Maamulka Somaliland xiraan sannadkan, iyadoo Soo-saaraha Barnaamijka Faalliyaha Qaranka, Komikiste Cabdi Muriidi Dheere “Ajakis” lagu xiray Madaarka Hargeysa, loona geystay Jirdil.

Bilowgii isbuucan,. Maamulka Somaliland waxay Xabsiga u taxaabeen Weriye C/maalik Muuse Col-doon, kadib, markii uu ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee magaalladda Hargeysa.

Weriye Col-doon ayaa ah Saxafi Samafale ah oo had iyo jeer Warbixino ka diyaariya Dadka tabaalaysan iyo kuwa Xanuunsan, isagoo Muuqaaladiisa ku bahiya YouTube-ka.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid “Cadaani”waxa uu ku eedeeyey Weriyahaasi inuu isku bedelay Siyaasi khatar ku ah Somaliland.

Wasiirka waxa kale oo uu u goodiyey Suxufiyiinta iyo Fannaaniinta booqashada ku yimaada magaalladda Muqdisho, wuxuuna sheegay in la xiri doono haddii ay dib ugu soo laabtaan Hargeysa.

Somaliland oo ku caan baxday Nabadda ayaa waxaa haatan laga dareemayaa Caburin lagu hayo Xorriyatul-qoolka asaasiga u ahay Xuquuqda Aadanaha.