Akhriso Jadwalka Munaasabada Caleemo saarka Farmaajo iyo Madaxda Khudbadaha ka jeedineysa

Waxaa daqiiqadaha soo socda lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka bilaabato munaasabad balaaran oo lagu Caleemo saarayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo.

Munaasabada Caleemo saarka waxaa kasoo qeyb galaya Madaxweynayaal kala duwan iyo wafuud heer sare ah, waxaana khudbado ka jeedin doona Munaasabada qaar kamid ah Madaxda kasoo qeyb galeysa.

Halkan ka Akhriso Jadwalka Munaasabada Caleemo saarka

6:00 – 10:30 soo gelitaanka Martida

10:30 il 11:30 Madadaalo iyo suugaan

11:30 – 11:45 Furitaanka iyo kulamadda guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo ahna wasiirka Qorsheynta Cabdiraxmaan Ceynte

11:45 – 11:50: Aayadaha Qur’aanka Kariimka

11:50 – 12:10 Kalmadaha Wakiilka Qaramada Midoobay, xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Macheal Keating

12:10 – 12:30: Kalmada Wakiilka MIdowga Africa Francisco Madeira

12:30 – 12:50: Kalmadda Jabuuti: Mudane Ismaaciil Cumar Gelle

12:50 – 1:10: Kalmada Itoobiya: Hailemariam Desalegn Boshe

1:10 – 1:30: Kalmada Dowladda Kenya: Mudane Uhura Kenyatta

1:30 – 1:50: Qudbadda Madaxweynihii hore ee Xasan Shiikh Maxamuud

1:50 – 2:20: Qudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo