DAAWO: Soomaalida Borlange oo Hambalyo iyo Taageero u diray Madaxweynaha Cusub Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Magaaladda Borlange ee dalka sweden ayaa ka mid ah magaalooyinka ay degan yihiin soomaali aad u baddan kuwasoo mar kasta la socda xaaladaha wadanka soomaliya.

Munaasabad ay isugu yimaadeen soomalida degan Borlange ayaay taageero iyo hambalyo xoog leh ugu direen Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya loo doortay Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Munaasabada oo ay kasoo qayb galeen Odayaasha, Dhalinyarada iyo qaybaha kale ee Bulshada ayaa dadkii halkaasi ka hadlay waxay aad usoo dhoweeyeen isbedelka dalka ka dhacay iyo doorashada Madaxweyna.

Maxamed Daauud Xaashi oo ka mid ah Odayaasha Borlange oo Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in guud ahaan soomalida ku dhaqan Magaalada Borlange ay Hambalyo farxad leh u dirayaan Madaxweynaha.


Nabadoon Maxamed Daauud Halkan ka daawo.

Sidoo kale Masuuliyiinta halkaas ka hadlay waxa ka mid ahaa Latliyaha Madaxweynaha Puntland arrimaha Bulshada Cabdirisaaq sheekhaduun oo Munaasabada kala soo qayb galay jaaliyadda soomaliyeed

Gudoomiyaha Jaaliyadda PFD Borlange Cali Muuse Koonte ayaa sidoo kale ka mid ahaa Masuuliyiinta Hambalyada iyo Taageerada u diray Madaxweynaha.

Dadweynaha Soomaliyeed ee ku dhaqan Borlange ayaa ah dadweyne mideysan oo mar kasta u taagan Midnimadda umadda soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan, jaaliyadda ayaa ah mid ka madax banaan dhamaan buuqa iyo is qab qabsiyada ka dhex jira inta baddan qurba joogta soomaliyeed.

Waxaanu nahay kuwo mar kasta u taagan gacan siinta iyo la shaqeynta Dowlad kasta oo ka jirta soomaliya gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Warsame Cismaan oo ku hadlayay afka dhalinyarada soomaliyeed ee ku dhaqan Magaaladda Borlange oo Hambalyo halkaasi ka diray ayaa sheegay in wax badan ay ka filayaan Madaxweynaha hadii ay yihiin dhalinyaradda soomaliyeed.