SHEEKH SHARIIF, CUMAR CABDIRASHIID IYO GAAS OO MUQDISHO KU KULMAY

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa xalay ka dhacay kulan gaar ah oo ay wada qaateen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif SheekhAxmed, Ra’isilwasaare Cumar C/rashiid.

Kulankaasi ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas.

Kulanka oo ahaa mid ay albaabada u xirnaayeen ayaa waxaa looga hadlayay arimo ku aadan doorashada Madaxtinimo.

Sheekh Shariif oo ah Musharax u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa taageero ka dalbaday Puntland balan qaadna u sameeyay haddii uu ku guuleeysto Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankaan ayaa ku soo dhamaaday sida warar ay heleeyso Puntland Post ay sheegayaan is afgarad iyo heshiis ay gaareen dhinacyadii kulantay.

Hardanka loogu jiro hogaaminta Dalka Soomaaliya ayaa ka soconayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dadweynaha Soomaaliyeed dal iyo dibad ayaa isha ku haya Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo bari ka dhaceeysa Muqdisho.