Guddiga Doorashada Dadban oo diiday Natiijada Xildhibaan mar kale dib loo soo doortay (Akhriso)

Guddiga Doorashada dadban ee Heer Federaal ayaa diiday natiijada kasoo baxday doorasho shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland uu kusoo baxay C/llaahi Maxamed Aadan Shaacir .

Doorashada shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in Ergada wax dooraneysay ay kasoo jeedeen Jufooyin kala duwan oo ku abtirsada Beesha Gaal jecel, waxa ayna Guddiga Doorashada dadban ku tilmaameen arintaasi sharci daro.

Kursiga Muranka ka taagan yahay ayaa waxaa iska leh Beesha Gaaljecel gaar ahaan Jufada Doqon diide. kursigan ayaana noqday mid lagu kala bixi waayay doorasho dhawaan ka dhacday magaalada Kismaayo, waxa uu sidoo kale kursigan kamid ahaa 5-tii Kursi ee horey loo celiyay.

Halkan ka Akhrsi Qoraalka kasoo baxay Guddiga Doorashada Dadban

Ref: GFHDD04/01/2017 06/02/2017


Ku: Xubnaha Guddiyada gaarka ah ee u xil saaran qabashada kursiga Doqon Diide ee
Gaaljecel

Ujedd o: Go’ aan ka GF HDD ee Ku rsiga Juffada Doqon Diide ee Beesha Gaalje cel

Xubnaha GFHDD waxay isku raceen markii ay ka doodeen kursiga Doqon Diide si xal looga gaaro tallaboyinka soo socda:

1. In la raaco sida hannanka doorashada dadban qabo in juffada kursiga iskaleh ee Doqon diide keliya ay ka timaado ergada iyo musharaxiintaba.

2. In hannanka doorashada si cadaalad ah ugu dhacdo oo la waafajiyo xeerka codeynta iyo tirinta coddadka ee ay GFHDD u dejiyeen dorashada dadban.

3. In xubnaha GFHDD ay hubiyaan warqadaha codbixinta in aysan calamadaysanayn ka hor inta aan la codayn iyo ka dib markii la codeeyo.

4. In marqaati looga dhigo lana tuso warqadaha lagu codeynaayo korjoogayaasha, warbaahinta iyo wakillada Qaramada Middoobay si doorashada ay u noqoto mid daahfuran oo cadaalad ku dhacday.

Sidaas darteed xubnaha GFHDD wuxuu ka codsanayaa xubnaha Guddiga gaarka ah ee loo idmaday qabashada kursigaas Doqon Diide ee Jubbaland in ay doorashadiisa soo gabagabeyaan ka hor doorashaa Madaxwaynaha.

Guddigu waxuu aad uga mahadcelinayaa xubnaha labada Guddi ee maraynaya doorashada kursiga Doqon Diide ee lagu qabanayo magalada Kismaayo. Guddiga wuxuu rumaysan yahay in xubnahaas ay daadaal iyo juhdi badan geliyeen in si cadaalad ah u dhacdo doorashada kursigaas Doqon Diide lakiin ay kala kulmeen dhibaatooyin iyo ismariwaa. Guddiga waxuu idiin rajaynayaa in aad ku gulaysataan doorashada kursiga.

Dhamaad