Wasiir ku dhax qunfacay Xarun Baarlamaan oo lala yaabay Shakina laga qaaday !! (Sawirro)

Wasiirka maaliyadda ee dowlada Australia, Josh Frydenberg, ayaa xili uu khudbad u jeedinayay Baarlamaanka dalkaasi waxa uu mar qura kusoo booday qunfac xoogan ,waxaana durba bilowday in wasiirka laga shakiyo in uu qabo cudurka Caronavirus.

Warbaahinta dalka Australia ayaa ku warantay in wasiirka daqiiqado badan si joogta ah u qunfacayay, waxa ayna taasi keentay in Xildhibaanada dhageesanayay ay maqli waayaan codka wasiirka la hadlayay.

Wasiirka ayaa xiliga uu qunfacayay waxaa dhinac fadhiyay Ra’isul Wasaaraha Australia Scott Morrison, waxaana xildhibaanada iyo masuuliyiinta kulanka joogtay qaarkood bilaabeen in ay ku qoslaan wasiirka qunfacayay halka kuwa kalana aad ula yaabeen.

Qunfaca badan ee Wasiirka maaliyadda Australia ayaa keentay in looga shakiyo in uu qabo cudurka Caronavirus, hasa ahaatee baaritaan lagu sameeyay wasiirka ayaa lagu ogaaday in uusan qabin cudurka Caronavirus.