Ragii ka dambeeyay dilka taliyihii ciidanka gor gor oo xukun dil ah lagu riday

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuno kala duwan oo isugu jira dil iyo xabsi ku riday afar askari oo ilaalo ka ahaa hotelka Maa’ida oo dil u geestay taliyihii ciidamada kumaandooska ee loo yaqaan Gor Gor.

Afartan nin ayaa maxkamada ku heshay in iyagu ka dambeeyeen dilka taliyihii ciidanka Gor gor Maxaadeey Saleebaan Eebakar oo 18-kii Bishii Octoober ee sanadkii 2019kii isaga iyo askari ilaalo ahaa oo lagu dilay afaafka hore ee Hotelka Maa’ida oo ilaalo ka ahaayeen.