Xisbiga Garabka Midigta ee Fratelli d’Italia oo Xukuumadda weydiiyey doorka Sirdoonka Turkiga ee lagu soo badbaadiyey Silivia Romano

Xisbiga Garabka Midigta ee Walaalaha Talyaaniga (Fratelli d’Italia) ayaa su’aal ka keenay Doorka Sirdoonka Turkiga ee ka qeyb galay Hawlgalkii dhawaan lagu soo badbaadiyey Haweeneyda Talyaaniga ee Silvia Romano.

Madaxa Guddiga Arrimaha Dibedda ugu qaabilsan Xisbigaasi, Karlo Fedanza waxa uu ugu baaqay Ra’siul-wasaaraha Xukuumadda Talyaaniga, Jesepe Konte inuu faahfaahin ka bixiyo Xiriirka ay la leeyihiin Dowladda Turkiga, kadib, markii ay Hay’adda Sirdoonka Turkiga ka qeyb-galeen Hawlgalkii lagu soo badbaadiyey Haweeneyda Samafalaha ahayd ee Silvia Romano.

 

“Waxaa jira meelo badan oo uu mugdi ku jiro, laga bilaabo Mas’uuliyadda kuwii u diray Silvia Romano inay ka soo shaqeyso deegaan ka tirsan Kenya oo aan lahayn xitaa Heerka ugu liita ee Ammaanka” ayuu yiri Karlo Fedanza.

Waxa uu intaasi ku daray in Talyaaniga lagu khasbay inay cadad badan oo lacag ah ku bixiyaan madax-furashada la siiyey Alshabaab iyo in la isklu haleeyo Dhexdhexaadinta Turkiga, waa sida uu hadalka u dhigay.