PUNTLAND oo iclaamsiay dagaal ka dhan ah Takfiirka

Maamulka Puntland aya magaalada Garowe kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah ururka Takfiir, oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku badanayay deegaanada Puntland.

Wasiirka cadaaladda Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed ayaa kaga dhawaaqay magaalada Garowe dagaalka ka dhanka ah kooxda Takfiir oo uu sheegay inay aaminsan yihiin fikirka gaaleysiinta.

Wasiirka ayaa sheegay in kooxda ay deegaanada Puntland ka wado fikrado aan wanaagsaneyn oo lagu marin habaabinayo shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi, islamarkaana ay go’aansadeen inay la dagaalamaan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kooxda Takfiirka in ay yihiin firqad xun oo khatar ku ah caqiiqada iyo qiyamka bulshada haddii aan lala dagaallamin,  sida uu hadalka u dhigay wasiirka cadaaladda.

“Takfiirku waa arrin haatan Puntland ku faafaysa runtii, waxaan damacsannahay in aan arrintaas takfiirka laga hortago, waxaan ka hor istaagaynaa in ay masaajiddo ama xarumo yeeshaan, waxaan la dagaallamaynaa in aan joojinno fasahaadkooda. Takfiirku waa firqad xun waana fasahaad” ayuu yiri Xaamud.

Kooxdaan ayaa degan deegaano dhowr ah oo Soomaalida ay degto, balse waxay kusii badan yihiin deegaanada maamul goboleedka Puntland, sida uu ka dhawaajiyay wasiirka cadaalada Puntland.