Dhaqaatiir ajaaniib ah oo laga afduubtay Mandhera, lana dilay ilaaladoodii

Labo dhakhtar oo ajnabi ah ayaa laga afduubay magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi bari Kenya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliiska.

Ilaaladoodii ayaa lagu soo warramayaa in la dilay ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen dabley hubeysan.

Labadan dhakhtar ayaa qayb ka ahaa mashruuc ay dawladda Kenya dhakhaatiir ajnabi ah kaga keensatay dalka Cuba.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhakhaatiirta la afduubtay loo tallaabiyay dhanka Soomaalya, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda afduubka balse waxaa looga shakisan yahay iney ka dambeeyeen kooxda Al-shabaab.

Booliska Kenya ayaa wada howlgalo balaaran oo lagu baadi goobayo dhaqaatiirta la afduubtay kaasoo ka socda degaanada ku teedsan xadka Somalia iyo Kenya.