Soomaaliya oo laga qaaday xayiraad muddo 30 sano ah saarneyd (Daawo Sawirro)

Soomaaliya ayaa dib u soo ceshatay xubinnimada buuxda ee Midowga Boostada Adduunka (UPU), iyada oo la inaga qaaday xannibaad inaga saarneyd dhinaca boostada mudo 30-sano ah.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta Dhexe ee UPU ee dalka Switzerland, ayna goobjoog ka ahaayeen Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Md. C/laahi Bile Nuur iyo Masuuliyiinta UPU ayaa wasiirka Boostada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan iyo Agaasimaha Guud ee UPU Danjire Bishaar C/raxmaan Xuseen waxa ay ku saxiixeen heshiis u oggolaanaya dalkeena in uu soo ceshto xubinnimo buuxda lagana qaado xayiraadda isla markaana ka faa’ideysan karo adeegyada UPU.

Heshiiskan ayaa u oggolaanaya Boostada dalkeena inay dalka dibeddiisa wax u diri karto, isticmaali karto dhammaan barnaamijyada UPU sidoo kalena heli karto taageerada farsamo ee ay xaqa u leeyihiin dalalka soo koraya.

Deynta Soomaaliya lagu leeyahay oo dhan lacag ku dhow 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo isugu jirta qaaraanka xubinimada oo dhan Hal Milyan doolar kaliya iyo dulsaar aruurey ayaa ka soo billaabatay Sebtember 1982-kii illaa 2018-kii iyada oo nasiib darro dalkeenu uusan ka faa’iideysan maadaama aysan jirin boosto si buuxda u shaqeyneysay tan iyo 1991-kii.

Inkasta oo wada-xaajoodka arrintan ku saabsan uu soo jiitamayey muddo ku dhow hal sano, haddana khudbaddii uu wasiirku ka jeediyay kulanka Golaha Maamulka UPU iyo kulamo gooni gooni ah oo isaga iyo wafdigiisu ay la yeesheen madax kala duwan waxa ay soo dadajiyeen in lagu guuleysto soo-celinta xubinnimada, Golaha loo dhan yahay ee midawga UPU ayaa tixgelin doono mid ka mid ah labada qorshe ee ay Soomaaliya la soo shir-tagtay oo kala ah in laga wada cafiyo deynta oo dhamaystiran ama in dulsaarka laga jaro, inta soo hartana lagu bixiyo muddo 10 sano ah oo ka billaabaneysa 2019.

Agaasimaha Guud ee UPU, Bishaar Xuseen oo si gaar ah arrintan uga soo shaqeeyay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko Soomaaliya oo ah xubin buuxda

“Maanta laga billaabo waxa aad ku soo noqoteen Bahda UPU, waxaadna heli doontaan dhammaan xuquuqda ay leeyihiin dalalka xubnaha ka ah. Waxaan alle ka baryayaa in Soomaaliya ay soo ceshato cisigii iyo sharaftii ay ku lahayd Afrika iyo adduunkaba” ayuu yiri Danjire Bishaar oo faray dhammaan qeybaha kala duwan ee UPU inay cid walbaba kaalinta kaga aaddan ay gacan ka geysato sidii Boostada Soomaaliya dib loogu dhisi lahaa.

Wasiir Cabdi Cashuur Xasan ayaa u mahadceliyay madaxda sare ee UPU oo uu ugu horreeyo Agaasimaha guud oo fududeeyay wax badan oo la xiriira deynta iyo habka loo bixin doono.

Wasaaradda ayaa dhamaadkii 2017 ku guuleysatay dib u soo celinta xubinnimada Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) taas oo loo xayiray deymihii qaaraanka ee soo ururayay tan iyo 1983-kii.