DEG DEG: Dagaalkii oo sii cuslaaday, Maxaabiis lasoo bandhigayo & Guddiga Difaaca PL oo Tukaraq ku hadlaya..

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Jiidaha dagaalka culusi kasocdo ee gobalka Sool, ayaa xaqiijinaya in cutubyada ciidamada Difaaca Puntland ay khasab uga dhigeen maleeshiyaadka maamulka la baxay Somaliland in ay ka baxaan Buundo ay ku jireen oo u ahayd difaaca ugu adag, taas oo keentay in ilaa hadda madaafiicdu si toos ah ugu dhacayso taliska Gambara.

Ciidamada Difaaca Puntland ee kayimi dhinaca galbeedka ayaa madaafiicda goobta ku garaacaya Saldhigii ugu dambeeyey ee Somaliland ay ku lahayd deegaanka Gambara, waxaana la maqlayaa hubka culus oo toso looga maqlayo magaalada Laascaanood.

Guddiga Difaaca ee dawladda Putland oo kusugan deegaanka Tukaraq ayaa goor dhaw warbaahinta la hadlaya, waxaana ilaa hadda ka socda inta u dhaxaysa Gambara iyo Tukaraq dagaalkii ugu cuslaa ee kadhaca deegaanadaas.

Puntlandtimes.com waxay xaqiijisay in gaadiid gaaraya 12 Tikniko ah oo ay lahayd Somaliland ay gacanta ku dhigeen ciidamada Difaaca ee Puntland, kuwaas oo ay wehliyaan maxaabiis dagaal oo ay gacanta ku dhigeen ciidamadu, goor dhawna lasoo gudbiyey dhinaca magaalada Garoowe.

Wariye kusugan magaalada Laascaano ayaa sheegay in Dhakhtaradii Caafimaadka loo soo qaaday Gambara, ka dib markii lagu guuldareystay in dhaawacyada culus deg deg  loogu gudbiyo magaalooyinka Caynaba & Burco.

Wararku aad bey isku bedelayaan daqiiqad-daqiiqad, waxaana mar kasta soo baxaysa xog cusub oo u baahan dabagal iyo xaqiijin, taas oo ay ku howlan tahay Puntlandtimes.com

Warsidaha waxaa hadda kusoo dhacaya warqabadkiisa xog sheegaysa in Somaliland dib looga qabsaday Taangi dagaal oo ay 15-kii bishan ka qabsadeen ciidamada Puntland, laakiin xogahan ayaan ku badnaa baaris deg deg ah, sidaas oo kale xog kale oo sheegaysa in la hayo Taliye sare oo katirsan ciidamada Somaliland ayaan baaris ku haynaa.