WAR DEG DEG AH: Dagaalkii oo mar kale sii xoogeystay, Hub xoog badan oo la maqlayo, Maleeshiyada S/land oo jid baneysanaya iyo Xogihii u dambeeyey

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya jiidaha dagaalka ayaa sheegaya in uu sii xoogeystay dagaalka ka socda inta u dhaxaysa Tukaraq & Gambara, waxaana la xaqiijiyey in ay maleeshiyada Somaliland ay hadda xooga saarayaan sidii ay u furan lahaayeen jid ay kula baxsadaan gaadiidkooda dagaalka, gaar ahaana dhinaca deegaanka Dhoodida Nugaasha loo yaqaano, waxaana bilowday dagaal kale oo culus.

Maleeshiyada ayaa la sheegay in ay ku go’odoonsan yihiin difaacyada Gambara iyo Bilicleey, waxaana ilaa hadda la maqlayaa hub culus.

Sida hada uu ii xaqiijiyey sarkaal ku sugan jiida hore Dagaalka ciidanka Somaliland ayaa qayb ahaan ubaxay dhanka dhoodida Nugaasha halkaasoo dagaal kale ku qabsaday halka qayb kalena lagu go’doomiyey deegaan magiciisa la iigu sheegay Bilciley oo dhanka howd beri kaga beegan Gambara.

Wasiirro katirsan Xukuumada Puntland ayaa goor dhaw warbaahinta la wadaagi doono xogaha u dambeeya ee khasaarahan.