DAAWO SAWIRRO: Isbitaaladii Laascaano oo dhaawacyadii Qaadi waayay, Kala carar kataagan magaalada & Wararkii ugu dambeeyey.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Laascaano ayaa sheegaya in dhaawacyadii ugu faraha badnaa la geeyey Isbitaalada magaaladaas, ilaa haddana lagu sii gurayo maleeshiyaad u dhashay magaalada oo ay Somaliland diiday in ay dhaawacooda u qaado magaalada Caynaba & Burco.

Agaasimaha Isbitaalka Laascaano ayaa u sheegay Puntlandtimes.com in lasoo gaarsiiyey 54 dhaawac ah, isla markaasna sidaa soo kale dhimashadu ilaa hadda ay og yihiin 18 dagaalame oo kusugnaa jiidaha dagaalka, dhaawacyada ay ogolaadeen in sawirrada laga qaado ayaa ah baabuur u socday dhinaca Puntland oo Tahriibayaal waday.

Sidaas oo kale wuxuu sheegay Agaasimuhu in aysan awood u laheyn dhaawacyada faraha badan ee soo gaaraya, ayna buuxsameen Isbitaaladii magaalada Laascaano, wuxuu sheegay in Somaliland ay ka raratay daawadii isbitaalada qaarkood, gaar ahaana Isbitaalka weyn oo ay la aaday dhinaca dagaalka uu ka socdo.

Goobjooge kusugan deegaanka Gambara ayaa sheegay in uu arkayey Dhakhaatiir laga keenay Burco & Hargeysa oo xalay kusugnaa Isbitaalka Laascanood oo hadda loo qaaday dhinaca Somaliland.

Warar faahfaahsan aya sheegaya in bandow lagu soo rogay magaalada Laascaanood, isla markaasna HOTELKA XAMDI lagu wareejiyey ciidamadii ugu badnaa oo kamid ah kuwa Maamulka hargeysa, si ay u xaqiijyaan Ammaanka xubno kasocda maamulkaas oo kusugan Hotelkaas.

A