Dawladda Qadar oo Tababar siisay Diblumaasiyiin Soomaali ah (Daawo Muuqaal)

Diblumaasiyiin ka socday Dawladda Soomaaliya ayaa Tababar loogu soo xidhay magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qadar, Waxayna intii uu Tababarku u socday ka Faa’iidaysteen Casharo kala duwan oo la Xidhiidha Siyaasadda Arimaha debeda iyo sida Dalalka Horumaray ay u Maareeyaan.

Tababarkan ayaa sidoo kale waxaa ka Faa’iidaystay Diblumaasiyiin ka socday Dalka Suuriya iyo Masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qadar.

Waxaa Munaasibad Shahaadooyin lagu Gudoonsiiyey Loogu qabtay Wasaarada Arimaha debedda ee dalka Qadar, waxaana Kasoo qayb galay Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Qadar kuwaasi oo sheegay inay ka go’antahay inay Caawiyaan oo Barbar istaagaan Walaalahooda kale.

Intii uu kulanku socday waxaa Dawladda Soomaaliya lagu Ammaanay Tallaabooyinka wanaagsan ee ay u qaaday dhinaca Dawladnimada iyo Horumarka, waxaana la xusay inay taasi muujinayso inay soomaaliya soo ceshato doorkii ay ku lahayd Caalamka, Waxaana sidoo lae lagu Ammaanay Xukuumadda Soomaliya doorkii dhex-dhexaadnimo ee Xiisada Khaliijka ay ka qaadatay.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Mukhtaar Cali Yuusuf ayaa sheegay inay Dhalinyaradu si wanaagsan uga Faa’iidaysteen Tababarka, Islamarkaana ay yihiin kuwa oo Waciygoodu sareeyo, Wuxuuna u mahad celiyey Wasiirka Arimaha debedda Soomaaliya Yuusuf Garaad iyo Dhamaan Howlwadeenada Wasaaradda, Sidoo kale wuxuu Dawladda Qadar uga mahad celiyey Taageerada ay Soomaaliya la garab taagan tahay