Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta meel mariyay Heshiis ay Xukuumada gashay

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha Shacabka ayaa meel mariyay Heshiiska Maxaabiis is dhaafsiga ay wada saxiixdeen Dowladaha Soomaalia iyo Hindiya.

Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya maanta yeesheen waxaa soo xaadiray 160-Xildhibaan, waxaana Xildhibaanada cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen Heshiiska Maxaabiis is dhaafsiga.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Baarlamaanka meel mariyeen heshiiska la horkeenay, waxa uuna tilmaamay in heshiiskaasi uu yahay mid ansax ah.

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa Dowlada Hindiya kala soo saxiixatay Heshiis labada dowladood isku dhafasanayaan Maxaabiista labada wadan ku kala xiran.