War Deg Deg Ah: Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan si weyna laga maqlay inta badan uu ka dhacay meel aan ka fogeyn isgooska Zope ee magaalada Muqdisho.

Wali si rasmi ah looma oga halka rasmiga ah ee qaraxu ka dhacay , waxaana wararka aan heleyno sheegayaan in meel ku dhaw Isgooska Zope uu qaraxu ka dhacay.

Waxaa sidoo kale qaraxa kadib la maqlayaa rasaas xoogan oo ka dhaceysa halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana wararka qaar sheegayaan in Hotel kuyaala Zope qaraxa lagu weeraray.