KOOXO HUBEYSAN OO XALAY KANTAROOLKA BOOSAASO SOO WEERARAY

Kooxo hubeysan oo ka tirsan alshabaabta buuraleyda golis  ayaa xalay saqdii dhexe weerar kusoo qaaday kantaroolka magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Kooxahan oo sida ay qaar kamid ah saraakiisha ciidamada ee Kantaroolku Puntland Post u xaqiijiyeen ku hubeysnaa qoryaha daran dooriga u dhaca ayaa waxaa israsaaseyn qadar socotey ay dhex martay iyaga iyo ciidamada ilaalada ka ah Kantroolka Boosaaso.

inta la hubo 3 askari oo ka tirasan ilaalada kantaroolka Boosaso ayaa geeryooday sida oo kale shacab kor u dhaafaya ilaa 6 Qof in ay iyaguna ku dhinteen weerarka.

Sarkaalkan la hadalay saxaafada Wuxuuna intaas ku daray in rasaastii labada dhinac isku ridayeen uu dhaawac kasoo gaarey  Askar iyo dad rayid ah kana mid ahaa dad safar ah oo saaran gaadiid dhowr ah oo xiligii uu falkaasi dhacayey kantoorlka taagnaa si baaritaan loogu sameeyo

Laamaha Amniga ee gobalka Barri ayaa hadda leh shir gaar ah oo ay uga hadlayaan dhacdadii xalay, waxaana lafilayaa in warbaahinta ay la hadlaan, si ay faahfaahin uga bixiyaan dhacdadan cusub.