Kooxda Daacish oo soo saartay hadalkii ugu yaabka badnaa intii ay dagaalada ku jirtay

Kooxda isugu yeerta Khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa dumarka islaamka ugu baaqday inay dagaalka kala qeyb galaan.

War ay soo saartay Daacish ayay ku sheegtay inay waajib tahay in haweenka ay dagaalka taageeraan si ay diintooda uga difaacaan kooxaha weerarka ku soo qaaday.

Waa markii kowaad ee Daacish ay dumar dagaal ugu yeeraan tan iyo markii kooxdan ay dagaalka bilowday.
Daacish waxay waagii hore sheegi jireen in dumarka ay xaasas u noqdaan dagaalamayaasha kooxda, balse aan looga baahneyn iney dagaalo galaan.

Hadalkan ayaa dad badan u muujiyey in Kooxdan Khilaafada Islaamka oo mudooyinkan deegaano badan laga qabsanayay uu hadda xaalku ku xun yahay.

Ciidamada Ciraaq oo garab ka helaya xulufada Maraykanka ayaa maalmo ka hor kooxda Daacish ka qabsaday magaaladii ugu dambeysay ee ay ka joogeen dalkaas.

Dalka Suuriya ayaa wararka hadda ka imanaya waxay sheegayaan in ciidanka Suuriya oo ay taageerayaan ciidanka Ruushka ay gaareen duleedka magaalada Mayadeen oo ay saldhig weyn ku leeyihiin Daacish.