Madaxweyne caan ka ah dunida oo walaashiis u magacaabay xil sare (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un,ayaa walaashii u dalacsiiyay jago sare oo ay ka qabanayso xisbiga ka taliya dalkaasi.

Kim Yo-jong -oo 30 sano jir ah ayaa loo magacaabay in ay xubin ka noqoto golaha sare ee maamula dalkaasi Kuuriyada waqooyi, iyadoo seddex sano ka hor ahayd sargaal sare oo ka tirsan xisbiga talada haya, waxayna jagadan kala wareegaysa eedadeed oo horey u haysay.

Mareykanka ayaa horey ugu daray Ms Kim liiska saraakiisha Kuuriyada Waqooyi ee lagu eedeeyay inay masuul ka yihiin tacadiyada xuquuqda aadanaha ee ka dhaca Kuuriyada Waqooyi.

Dalacsiinteeda ayaa waxaa ku dhawaaqay Mr Kim oo shaacinayay isku shaandhayn lagu sameeyay saraakiisha sarsare ee dalkaasi.

Khubarada u kuur gala arrimaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegaya in tillaabadan ugu dambaysay ay muujinayso sida ay uga go’an tahay qoyska Kim Jong-un in ay sii haystaan talada dalkaasi oo ay heysteen illaa 1948-dii.





X