Ururka Jaamacadda Carabta Oo Soo Dhaweeyey Go’aankii Maxkamadda ICJ Ee Muranka Badda Ee Somalia Iyo Kenya

Ururka Jaamacadda Carabta oo uga mahad celisay Imaaraadka taageeradda ay Somalia ka siiyeen  Dacwadda Muranka Badda ee Somalia iyo Kenya

Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abu kheyd ayaa soo saaray War-saxaafadeed uu ku bogaadinayo Guusha laga gaaray Go’aankii Maxkamadda ICJ ee ay ku sheegtay inay awood u leedahay inay qaadaan Dacwadda Muranka Badda ee Somalia iyo Kenya.

 

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Maxamuud Cafiifi oo Saxaafadda u akhriyey War-saxaafadeedkaasi ayaa sheegay in uu Axmed Abu kheyd uga mahad celinayo Dowladda Imaaraadka Carabta taageeradda ay Dowladda Somalia ka siiyeen sidii Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka (ICJ) loogu gudbin lahaa Dacwaddaasi, iyadoo ay Dowladda Somalia gudbisay Dacwaddaasi bishii August ee sannadkii 2014-kii.

 

Dhinaca kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay Jaamacadda Carabta garab taagan tahay sidii ay Somalia u difaacan lahayd Xuduudaheeda bad iyo berri iyo soo-celinta Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Ugu dambeyntii, Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abu kheyd waxa uu xusay inay Somalia iyo Kenya yihiin dalal deris ah, loona baahana yahay inay dacwadooda ku kala baxaan Qaanuunka Caalamiga.

Hadalkiisa ayaa soo baxay iyadoo ay Maxkamadda ICJ  go’aamisay Khamiistii la soo dhaafay go’aamisay inay qaadi doonto Dacwadda Muranka Badda ee Somalia iyo Kenya, inakstoo ay Dowladda Kenya horey u sheegtay inaysan ICJ xaq u lahayn inay qaadaan Dacwadaasi.

Maxkamadda ICJ ayaa la filayaa inay 6 bilood kadib u fariistaan Dib-u-qaadista Dacwadaasi, waxaana dhici karta inay Dacwadaasi sii socoto dhowr sanno.