Shirweyne Looga Hadli Lahaa Xiriirka Maraykanka Iyo Libya Oo U Baaqday Xayiraadii Socdaalka Ee Uu Donald Trump Soo Rogay.

Qabanqaabiyayaasha Shirkaasi ayaa sheegay in Shirkaasi oo bartamaha bishan ka dhici lahaa Washington la joojiyey, kadib, amarkii Donald Trump ee xayiraadda Socdaalka lagu saaray dalal ay Libya ka mid tahay.

 

Shirkaasi oo furmi lahaa bishan 16-da ayaa waxa Cinwaan looga dhigay: “Xiriirka Maraykanka-Libya, Waaga Cusub, Rajada iyo Fursadaha”, waxaana shir guddoomin lahaa Afhayeenadda Libya oo ay ku jiraan Labo Ra’isul-wasaarayaal hore iyo Madaxa Shirkadda Shidaalka Qaranka Libya ee NOC.

 

Qoraal ay soo saareen Qabanqaabiyayaasha Shirka ayaa lagu sheegay in la hakiyey Shirkaasi, waxaana dib loo sheegi doonaa Taariikhda cusub ee la qabanayo Shirkaasi.

Thump ayaa 7 dal oo ay Liibiyo ku jirto u diiday dal ku galka dalka Mareykanka inkastoo ay goáankiisa laaday maxkamada .