Shirkaddo dayuuradeed oo diiday iney qaadaan Soomaalida ku sii jeeda Maraykanka

hirkadaha Dayuuradaha Kenyan iyo Ethiopian Airlines ayaa diiday iney qaadaan Soomaalida safarka ah eek u sii jeeda dalka Maraykanka.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka garoomadda Dayuuradaha Kenya ayaa sheegay in Soomaalida ku sugan Kenya ee doonaya inay u socdaalaan Maraykanka dib loo celinayo.

Waxay arintani ku soo beegmeysaa iyadoo xayiraadda Trump horey looga qaaday dadka ka soo jeeda Somalia, Sudan, Syria, Yemen, Libya, Iraq iyo Iran ka dib markii ay diiday maxkamad ku taalla Maraykanka.

Sidoo kale, Saraakiisha Garoomadda ku yaalla Ethiopia ayaa u sheegay dadka Soomaalida ee ku sii jeeda Maraykanka inay weli dowladdooda ka sugayaan amar dadka ka soo jeeda Somalia iyo Sudan loogu oggolaanayo inay raacaan Dayuuradaha Maraykanka ku sii jeeda.

Soomaali badan oo haysatay Visaha ama dal ku-galka iyo Green Card-ka Maraykanka ee joogay Ethiopia ayaa waxay u dhoofeen magaaladda Johannesburg, iyagoo qaar ka mid ah ay halkaas ka raaceen Duullimaadyo ku sii jeeday Maraykanka.

Dhinaca kale, Soomaali Sodomeeyo gaaraya oo haysata Fiisaha iyo Green Card-ka ayaa shalay iyo maanta ka dhoofay magaaladda Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda Maraykanka.