Madaxda EU-da oo shirkooda Malta uga tashanaya Trump iyo Libya

Hogaamiyayaasha dalalka xubnaha ka ah ururka midowga Yurub ayaa maanta isugu imaanaya shirkoodii ugu horeeyey ee sannadkaan, kuwaas oo ku kulmaya magaalada Valetta oo ah caasimada dalka Malta.

Hogaamiyayaasha ayaa diiradda saari doona xiriirka u dhexeeya midowga Yurub iyo dalka Mareykanka iyo madaxweeynaha cusub ee dalkaasi dhawaantaan doortey Donald Trump.

Sidoo kale ayaa laga hadlaya arrinta qaxootiga ku soo qulqulaya qaaradda Yurub iyo sida ugu haboon oo loo joojin karo kuwaas oo badankoodu ka soo baqoola dalka Libya.

Raysal wasaaraha dalkaan Iswiidhan Stefan Löfven ayaa isagoo ku sugan goobta shir madaxeedkaasi ka dhacayo wuxuu welwel ka muujiyey arrinta ay qaxootigaa dalka Libya ku suganyihiin. Kuwaas ayaa lagu qiyaasey inta u dhaxeysa 700 000 ilaa hal malyan, badankooduna badda isku soo biimeeya,halkaas oo ay qaar badan oo ka mid ahi ku dhintaan.

Raysal wasaaraha dalkaan Iswiidhan Stefan Löfven ayaa isagoo arrinka qaxootigaas ka hadlaya waxaa uu yiri:

– Ma dhici doonto in dalalka midowga yurub ay dalka Libya la galaan heshiis la mid ah kii ay la galeen dalka Turkiga, laakiin taas badalkeeda waxaanu rabnaa  in aan caawino, xoojinana ilaalada xeebaha dalka Libya halkaas oo ay dad mukhalisiin ahi dadka ka soo daabulaan ka dibna qaar badan oo dadkaas ka mid ahi ay si silic ah ugu dhintaan badda dhexdeeda.