Nin & Haweeney lagu helay inay nikaax la’aan gogol galeen oo xukun karbaash ah lagu fuliyey (Daawo Sawirro)

Maxkamad ku taalla Gobolka Aceh ee dalka Indonesia ayaa xukun Karbaash ah ku fuliyey nin iyo Haweeney lagu helay inay nikaax la’aan gogol galeen, waxaana lala tiigsaday Shareecadda Islaamka.

Mid kasta oo labadooda ka mid ah waxaa lagu xukumay laguna dhuftay 26-Jaydal ama karbaash, iyadoo sawiradda qaabkii loola dhacay Jeydalka la soo bandhigay.

Boqolaal qof ayaa daawanayey markii Xukunkaasi lagu fulinayey fagaare ka soo horjeeda Masjid ku yaalla degaanka.

Gobalka Aceh ayaa ah Gobalka keliya ee dalka Indonesia sannadkii 2001-dii loo oggolaaday Hirgelinta Shareecadda Islaamka.

Dalka Indoneisa oo ku yaalla dhinaca koonfur bari Aasiya ayaa dalka ay Muslimiinta ugu badan caalamka ku nool yihiin.