FAAH FAAHIN: QASAARAHA KA DHASHAY QARAXYADII MUQDISHO OO SII KORDHAYA

Faah Faahin Dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso Weerararo qaraxyo iyo iska hor imaadyo Toos ah oo ay Al-Shabaab ku qaadeen Hoteelka Dayax Ee Magaalada Muqdisho.

qaraxyadaan ayaa ku biloowday gaari nooca xamuulka qaada ah oo qaraxa laga soo buuxiyay kaasi oo lagu dhuftay irada Hoteelka.

Waxaa xigay ilaa laba qarax oo kale oo ismiidaamin ah oo ahaa kuwo Gawaari laga soo buuxiyay taasi o wadarta qaraxyada ka dhigtay 3 qarax.

ku dhowaad 20 Ruux ayaa ku dhintay qaraxaasi oo u badan dad rayid ahaa oo ka agdhowaa halka qaraxyada ay ka dhaceen.

Waxaa jira Odoyaal dhaqameedyo ku dhintay qaraxa maadaama Xarunta Hoteelka ee uu weerarada ka dhaceen ay ku shirayeen Xildhibaano iyo Odoyaal ka soo jeeda Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Waxaa goobtaasi ku balansanaa oo ku soo socday Qaar kamid ah musharixiinta Madaxweyne ee dalka Soomaaliya.

Waxaa weerarkaasi ku dhintay malaaq Malabow oo Ah Malaaqa beesha Garwaale iyo Malaaq Abdirashiid Sheekh Abdisalaan oo isagaana Ahaa Malaaqa beesha Yantaar oo kamid ah Beelaha Koonfur Galbeed.

Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa afaafka hoteelka ku soo bandhigay maydad ilaa 4 Dagaale oo ay ku sheegeen in ay kamid ahaayeen ragii weerarka soo qaaday oo ciidamadu ay toogteen.

Hoos ka Daawo Sawirada.