Maxaa kasoo kordhay Weerarkii xooganaa ee lagu Qaaday Hotelka Dayax ? (Daawo Sawirro cusub

Waxaa sii kordhaya Qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarkii xooganaa ee saakay dagaalyahano katirsan Xarakada Al Shabaab ku qaadeen Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho,

Dadka ku dhintay weerarkan ayaa kor u dhaafaya 20-qof oo u badnaa dad shacab ah, waxaa sidoo kale dhaawacyada weerarkan ka dhashay gaarayaan 40-qof, waxaana suurto gal ah in qasaaraha inta hada la ogyahay ay kasii bataan.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa laga soo saaray dhismayaal bur buray oo kuyaala agagaarka Hotelka Dayax, waxaa sidoo kale waxyeelo soo gaartay dad ku noolaa xaafado ku dhaw dhaw Hotelka la weeraray.

Meydad badan ayaa laga soo saaray dhismayaal burburay oo ku yaalla wadada Maka Al Mukarama kuwaasoo qaarkood la garan waayey muuqaal ahaan waxyeelada jirkooda soo gaartay awgeed.

Dadka ugu badan ee ku dhintay Weerarkan ayaa ku sugnaa Maqaayad kutaala albaabka Hotelka Dayax oo aheed halka qaraxa lagu dhuftay, waxaana Maqaayadaasi ku dhintay inta badan dadkii ku sugnaa oon tiradooda saxda ah laheyn.

Sida Goobjoogayaal noo sheegeen dadka dhintay ayaa u badnaa dad shacab ah oo badankood ku sugnaa afaafka hore Hotelka Dayax iyo dad kale oo goobo ganacsi halkaasi ku lahaa, waxaa sidoo kale dadka dhintay ku jiray dad la socday gaadiid iyo Mooto bajaaj laamiga mareysay xiliga ay qaraxyada dhacayeen.

Shacabka Muqdisho ayaa qaraxi koowaad e saka ka dhacay ku tilmaamay kii ugu weynaa ee magaalada ka dhaca marka loo eego qaraxyadii sanadahan ugu dambeeyey ka dhacayey caasimada.

Qaraxa ayaa burburiyey guryo iyo dhismayaal ku yiilay goobo aad uga fog halka uu ka dhacay. Halka guryo kalena ay jiingadihii ka duuleen.

Dhisme ku yaalla agagaarka isgoyska dabka marka laga leexdo wadada u baxda buundada Ansalooti ayaa dab xooggan uu qabsaday kaasoo aan la ogeyn waxa sababay, gaadidka dab demiska maamulka gobolka Banaadir ayaana ku guuleystay iney demiyaan.

Dhinaca kale, iskuul lagu magacaabo Al-Ceyn oo ku yaalla agagaarka isgoyska dabka ee jidka Maka Al-Mukarama ayaa la sheegay in arday ku jirtay ay suuxeen ka dib markii ay naxdin iyo sas ka qaadeen qaraxii koowaad oo magaalada gees ka gees si isku mid ah u saameeyey.

Malaaqyo ka soo jeeda koonfur galbeed ayaana la soo werinayaa iney ku dhinteen weerarki saaka lagu qaaday hotelka Dayax, kuwaasoo kala ahaa Malaaq C/rashiid Sheekh C/salaan iyo Malaaq Malabow, waxayna ka mid ahaayeen malaaqyadii soo xulay ergadii dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka.

Dowlada Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkan dadka badan lagu dilay ee ka dhacay Hotelka Dayax, Kooxda Al Shabaab ayaana sheegatay masuuliyada qaraxan Ismiidaaminta ah ee saakay lagu weeraray Hotelka Dayax.

Weerarkan ismiidaaminta iyo midka tooska isugu jiray ee lagu qaaday Hotelka Dayax ayaa noqonaya mid kamid Weeraradii ugu qasaarah badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho, mana jirio ilaa hada masuul dowlada katirsan oo Weerarkan wax ku noqday.