Swaziland oo dalkeeda ka mamnuucday Barashada Diinta Islaamka

Dowlada Swaziland ayaa amar ku bixisay in Iskuulada hoose/dhexe iyo kuwa sare aan lagu baran karin diinta Islaamka.Muslimiinta ku nool dalka Swaziland oo tiradooda lagu sheegay 10% ayaa cambaareeyay talaabada dowladu ku dhaqaaqday.

Wasaarada Waxbarashada Swaziland ayaa soo saartay manhaj cusub oo waxbarasho kaas oo mamnuucaya in caruurta dhigata dugsiyada hoose/dhexe iyo kan sare la baro diinta Ilsaamka xataa hadii ay Muslimiin yihiin.

Dowlada Swaziland oo tiro ahaan dhan 1.2 malyan ayaa cadaadis ku haysa dadka Muslimiinta dalkaas kunool iyadoo ardeyda muslimiinta ah loo diido in maalinta Jumcaha wakhti hore la fasaxo si ay Jumcaha usoo tukadaan.