Shimbir ka soo dhoofay Shiinaha oo yimid Somaliya (Warbixin)

shinbir

Meng,ayaa lagu soo xiray aalad muujineysa halka uu marayo,ka hor inta uusan ka soo tagin waqooyiga Dalka Shiinaha.

Shimbirkan oo uu leeyahay Nin Ingiriiska u dhashay oo ku nool Beijing Shimbire dhaqalaeysna ah ayaa waxaa la soo diray isaga iyo Shimbiro kale kuwaas oo kala aaday Waddamada Kenya iyo Tanzania.

Shimbirahan waxaa  la soo diray Bishii September ee Sanadkan,waxaana ay ku qaadatay in uu mid ka mid ah oo ah Meng uu yimaado Soomaaliya masaafo dhan 3,400KM oo aan hakad lahayn ilaa Hindiya oo uu safarkiisa tooska ah ka soo billaabay.

Shimbirka ayaa Saaka oo Talaado ah ka soo dagay xeebta Muqdisho,waxaana uu wali ku suganyahay xeebta,iyada oo ninka Shimbirkan iyo labada kale u soo diray Afrika uu ku sheegay in uu ka leeyahay  horumarinya degaanka iyo noolaha kale.

Shimbirka ayaa intii uu ku soo jiray Safarka waxaa uu la kulmay dabeyl aad u xoogbadan inkasta oo uu ugu dambeyntii yimid Muqdisho

Meng,oo micnaheeda yhay Shimbirka Riyada ayaa waxaa uu ka mid yahay xeyn Shimbiro ah oo uu leeyahay Terry Townshend, oo Shimbire dhaqaaleys Ingiriis ah,waxaana uu u dhaq dhaqaaqaa bad baadada degaanka .

Labada Shimbir ee kale ayaa lagu kala magacaabaa Flappy  iyo Skybomb ,waxaana Flappy uu joogaa Kenya muddo bil ah isaga oo ka soo hormaray Meng,waxaana uu 15 jeer galay Sohdinta Soomaaliya ka hor inta uusan Meng iman Soomaaliya.

Nasiib darro mar ayaa Flappy laga waayay Sinyaalaha ama signalka xogta keydiya inkasta oo dib loo helay markii dambe,kadib markii uu dib ugu laabtay halkii loogu talagalay oo ahayd Kenya.

Meng, imaanshihiisa Soomaaliya ayaa aad uu u soo dhameeyay milkiolaha iyo ardeyda saaxiibadii ah ah oo Warbaahinta Bulshada aad ugu hadal haya booqashada Meng ee Soomaaliya.

Xigasho : Africa Times.

Turjumida : Aadan Ibraahim Faarax