War Deg Deg Ah Xildhibaanad Bishaara Cabdi Diiriye oo Qaadacday Doorasho hada ka socota Muqdisho

Xildhibaanad Bishaara Cabdi Diiriye oo kamid aheed Xildhibaanada Baarlamaanka ee waqtigooda dhamaaday ayaa sheegtay in aysan ka qeyb galin doorasho hada ka socota Xarunta Gaadiidka booliiska ee magaalada Muqdisho.

Waxa ay sheegtay Xildhibaanada in Kursiga beesha ee Hawar Awal ,Sacad Muuse ,Jibriil Abuukar ku qoran tahay in Haween kaliya ay ku tartamaan, balse kursigaasi la boobay kuna tartamayaan sadex nin oo beeshaasi kasoo jeeda.

Xildhibaanada ayaa sheegtay in Guddiga Doorashooyinka aysan kusoo wargalin in doorashada kursiga ay u tartameyso ay maanta dhaceyso, waxa ayna tilmaantay in Daqiiqadp yar kahor xiligii doorashada bilaaban laheed in fariin qoraaleed loo soo diray loona sheegay in kursiga beesheeda tartankiisa uu bilowday.

”Waxaa kuu sheegayaa in aanan ka qeyb galin doorashada Xamar ka socota, Kursigan waxa uu ahaa mid qoondada dumar ah lana qorsheeyay in Haween kaliya ku tartamaan, balse waxaa kursigaasi boobay Siyaasiyiin garab ka helaya Guddiga Doorashooyinka iyo xubno kale, waxa ay aheed Guddiga in xalay ama saakay hore isoo sheegay in doorasho dhaceyso balse ma dhicin, waxa hada wax dooranaya waa Ergo aan sax aheyn, banaanka ayey joogaan Ergadii iyo odayasahii dhaqanka beesheeda ” Ayey tiri Xildhibaanad Bishaara.

Xidhibaanada ayaa sheegtay in Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Cumar Dhagey uu tagay hoolka Doorashada ka socotay balse markii uu ka waayay Haweenkii tartami lahaa ayuu amray in gaari loo diro , waxaasa arintaasi dhagaha ka fureestay Guddiga.

”Cumar Dhagey ayaa tagay hoolka Doorashada ka socotay waxa uuna ka waayay in halkaasi aanan ku sugneyn, waxa uuna ku amray Guddiga in gaari deg deg ah la isoo diro balse amarkaasi dhagaha ayey ka fureesteen, si deg deg ah ayaana gaari u qaatay si aan hoolka u tago balse Ciidamada amaanka ayaa iga hor istaagay in aan gaaro hoolka doorashada ka socotay” Ayey tiri Xildhibaanad Bishaara.

Waxa ay ugu baaqday Xildhibaanada Guddiga Doorashooyinka dadban ee Heer Federaal iyo Guddiga Khilaafaadka in il gaar ah ku hayaan kursiga haweenka ay lahaayeen ee la boobay, waxa ayna ku tilmaantay doorashada socota mid cadaalada ka fog.

Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee kasocota qaar kamid ah gobolada dalka iyo magaalada Muqdisho ayaa waxaa hareeyay musuq maasuq iyo wax isdaba marin, waxaana arimahaasi wax badan ka og Madaxda sare ee dalka iyo Xubnaha ugu sareeya Guddiga Doorashooyinka dadban.