XOG:- HAWLGALKA XOREYNTA DEGMADA QANDALA [SATELLITE IMAGES]

XOG:- HAWLGALKA XOREYNTA DEGMADA QANDALA [SATELLITE IMAGES]

ciidamada-puntlandWaxaa maalintii afraad socda hawlgal ciidan oo dhulka ah, kaas oo ka dhan ah mileeshiyaad taabacsan kooxda xagjirka ah ee Daacish. Mileeshiyaadkaas ayaa (October 26, 2016) la wareegey gacan ku haynta magaalo xeebeedka qadiimiga ah ee Qandala.

Hawlgalkan oo ay hoggaaminayaan saraakiil ciidan, madaxda gobolka Bari iyo mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirrada Puntland, waxay ujeedadiisu tahay sidii kooxdaas looga sifeyn lahaa Qandala iyo
deegaanada kale ee hoos taga.

Dagaallo dhowr ah ayaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey dhulka buuraleyda ah ee dhanka Koonfurta ka xiga Qandala, halkaasoo ay marto waddada keliya ee gasha degmada Qandala. Ciidamada ayaa si tartiib tartiib ah u ruuqaansanaya, sidoo kale waxaa jirta dhaq dhaqaaqyo ay wadaan mileeshiyaadka Daacish si ay uga gaashaantaan gulufka kusoo wajahan.

Hawlgalka dib-u-xoreynta Qandala, waxaa qayb ka ah ciidamada badda Puntland oo taageero ka helaya ciidamada caalamiga ah ee ku sugan biyaha Soomaaliya.


galgala

Dagaalkii shalay

Iska-hor imaad muddo kooban socdey ayaa shalay [December 5, 2016] ciidamada ammaanka Puntland iyo mileeshiyaadka kooxda Daacish ku dhex maray goob lagu magacaabo Habro-laaye, taas oo qiyaastii 21km dhanka koonfur-bari ka xigta degmada Qandala ee gobolka Bari. Dagaalka ayaa bilowdey kadib markii ciidanku weerar kedis ah ku qaadeen fariisin kooxdaasi ka sameysatey dalcadda Habro-laaye.

Taliyaha Ururka Saddexaad ee Ciidanka Daraawiishta, Gaashaanle Dhexe Warsame Muuse Axmed, oo PUNTLAND POST kula hadashay khadka Tooreeyaha (Thuraya) -maadaama isgaarsiinta kale ka go’an tahay Qandala iyo nawaaxigeeda- ayaa xaqiijiyey in dagaalkii shalay dhacay lagu diley saddex ka tirsanaa mileeshiyaadka Daacish, islamarkaana ciidanku gacanta kusoo dhigeen gaari uu qori saaran yahay nooca Soomaalidu u taqaano Istoodka (Toyota Hilux ).

1990-1997_toyota_hilux_ln106r_dx_4-door_utility_2007-09-28“Adeer nimanka shalay jab xun ayaa gaarey, saddex waa laga diley gaari qooqan ah ama nooca Soomaalidu Istood-ka u taqaanno oo uu qori saaran yahay waan ka qabanay” ayuu yiri isagoo intaas raaciyey in khasaaraha dhanka ciidanka saddex askari dhaawacyo loo gudbiyay Bosaso uu kasoo gaarey .

Ciidanka Puntland ayaa isla shalay dib ugu soo laabtey saldhig kumeel gaar ah oo ay ka sameysteen tuulada Karin-Qandala, taas oo masaafo 26km ah u jirta goobtii shalay dagaalku ka dhacay.

 


qandala-map
Faahfaahin ku saabsan hawlgalka Qandala | PunlandPost+GoogleEarth

Maxaa dhacay maanta?

Ciidanka ayaa goor hore oo saaka ah weerar rogaal celis ahaa ku qaadey goobtii shalay lagu dagaallamay (Habro-laaye), waxaana sida ilo xog ogaal ahi u xaqiijiyeen PUNTLAND POST, ciidamada Puntland ku guuleysteen inay la wareegaan gacan ku-haynta deegaankaas, kadib markii ay isaga baxeen mileeshiyaadkii Kooxda Daacish.

Sarkaal ka tirsan kuwa hoggaaminaya hawlgalka dib-u-xoreynta Qanadala oo ka gaabsadey in magaciisa la baahiyo, ayaa noo xaqiijiyey in ciidamadu maanta gacanta kusoo dhigeen qalab ay matooro (generators) kamid yihiin iyo rasaas fara badan, kuwaas oo ciidanku ka heleen fariisimihii kooxdaasi isaga baxdey.