Daawo:Gudiga Abaaraha Soomaaliya Ee Borlänge Sweden Oo Deeq Lacageed Gaarsiiyay Gudiga Abaaraha Gobolada Waqooyi Ee Soomaaliya

Gudiga Abaaraha Deegaanka Degmada Borlänge Ee Dalka Sweden oo in mud ah ku howlanaa siduu uu deeq u gaarsiin lahaa dadweynaha Soomaaliyeed ee Abaaruhu ku dhufteen kuna sugan qaar ka tisran Gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya haatana uu gacanta ku hayo maamulka Somaliland. Gudigan oo si sikiis ah isugu xilsaaray Gurmadka Walaalaha Soomaaliyeed ee Abaaruhu ku habsadeen gobolada Sool, Sanaag Iyo Togdheer ayaa waxa ay muddooyinkii ugu danbeeyay habeen iyo maalinba ku howlanaayeen sidii ay baaqa gurmadka u gaarsiin lahaayeen dhamaan walaaha soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan magaalada Borlange iyo gobolka Dalarna ee dalkan Sweden, iyaga oo ugu danbeyn isu keenay Lacag Gaareysay Todobaatan Iyo Laba kun  Iyo Afar Boqol iyo Konton Swedish krona ( 72450 kr ) taa oo u dhiganta  Todobaatan kun Sadex Boqol Iyo Sodon Iyo Kow Doolar.(7331 $).

Lacagtan ayaa shalay Galinkii danbe waxa si toos ah loogu hagaajiyay Sh Maxamed oo ku sugan Deeganka abaaruhu ku habsadeen si uu u gaarsiiyo Walaalah Soomaaliyeed ee dhibaateysan, waxana Guddiga Abaaraha Borlänge ay isaga u xilsaarteen gaarsiinta deeqdaasi.
dhawaan ayaa la rajeynayaa inay deeqdaasi gaaro walaalaha Abaaruhu ku dhifteen ee deegaanada Sool Sanaag Iyo Togdheer.
https://www.youtube.com/watch?v=szWA0L0-q9s