Ururka OIC oo ka digay Masiibo Aadminimo ka dhacdo Somalia, Baaqna u jeediyey Dowladaha Islaamka

Golaha Iskaashiga Islaamka ee Organization of Islamic Cooperation (OIC) ayaa ku dhawaaqay Baaq Degdeg ah oo taageero lagu siinayo Somalia oo ay la soo gudboonaatay Xaalad Aadminimo oo adag, iyadoo macluul ba’an iyo Abaaro ka jiraan qeybo ka mid ah Goballadda Somalia.

Bayaanka waxa uu ugu baaqay Dowladaha xubnaha ka ah Ururka ((منظمة التعاون الإسلامي ee OIC iyo Hay’addaha kala shaqwwya Hawlaha Samafalka Aadminimo inay gurmad degdeg ah gaarsiiyaan Dhibanayaasha ay macluusha iyo abaaruhu ku hayaan gudaha Somalia.

macluulBayaanka waxaa  kaloo lagu xusay in si degdeg ah loogu gurmado dadkaasi, ka hor intaysan faraha ka baxin Xaalladda Aadminimo ee ka jirta Somalia.

Ddhinaca kale, Bayaanka ka soo baxay Golaha Iskaashiga Islaamka ee Organization of Islamic Cooperation (OIC) ama (  (منظمة التعاون الإسلاميayaa lagu sheegay inay Xafiiska Horumarinta ee ay ku leeyihiin Somalia diyaar u yahay inay taageero ka geystaan sidii Gargaarka Aadminimo loo gaarsiin lahaa dadka ku nool Goballadda ay Abaaraha iyo macluusha daran ka jiraan.

Waxaa kaloo Bayaanka lagu muujiyey inay Abaaraha ku dhufteen dhul ballaaran oo ka mid ah Somalia, taasi oo ay u sabab tahay iyadoo aysan Roobabka da’in muddo 5 xilli oo is-xigxiga.

Ugu dambeyntii, Bayaanka ka soo baxay Golaha Iskaashiga Islaamka ee Organization of Islamic Cooperation (OIC) ama (  (منظمة التعاون الإسلاميwaxaa lagu muujiyey inay ku-dhawaad 760-kun oo qof ku dhibaataysan yihiin dhamaan Goballadda Somalia, waxaana laga digay inay Somalia ka dhacdo Masiibo Aadminimo oo la mid ah Abaarihii dalka ka dhacay sannadkii 2011-kii.