Xildhibaan Mursal Isa: Gur-mad “Ma Daryeelnaa mise waan duugnaa


Mursal Isa Guddoomiyaha Gobolka Dalarna Sweden- Count council commissioner-Green Party Ahna xubin golaha dhexe ee xisbiga cagaaran, Sweden.
Sanad kasta waxaynu marar badan isku ciriirinaa qabuuraha si aynu u aasno dhaliyaradeena la dilay. Miyeysan ka wanaagsanayn in aynu isku cariirino u addeegidda ama caawinta dhalinyarada inta aan xaaladu faraha ka bixin?
 
Waxaa maalintii nimcaha ee 2 bisha december lagu dilay caasimada dalka sweden Stockholm laba wiil oo walaalo ah oo soomaali ah, waxaa lagu toogtay maqaaxi ku taal xaafada ay soomaalidu u badan yihiin ee Rinkeby. Waa dhacdo murugo leh. Waa dhacdo xanuun badan.Waa dhacdo qof walba oo damiir leh ku abuuraysa dareen ah maxaa la qaban karaa?
 
Sidee lagu badbaadin karaa dhiiga dhalaanka soomaaliyeed ee qurbaha ku dhimanaya? Ma iska- kaashan karnaa bulsho ahaan siddii aan uga hortegi lahayn dhacdooyinkaan murugada leh?
Intaynaan isugu-gurman duugitaankooda ma u gurmanaa badbaadintooda?
Gur-mad “Ma Daryeelnaa mise waan duugnaa”
Mursal Isa
 
Waxaan halkaan kaga dhawaaqayaa barnaamij ugu horrayn wacyigelin ah ,ka dibna waxqabad ku xigo oo aan ugu magac darnay Gurmad- ma daryeelnaa mise waan duugnaa!
Waxaan dooneynaa in magaalo kasta oo soomaali degan tahay ay isku tagaan dhammaan waxgaradka, culimada, aqoonyahan, dhalinyaro, haween, urarada bulshada kuna midoobaan halkudhiga ah: Gurmad- ma daryeelaa mise waan duugnaa!
Waa in kulamadaas kasoo baxaan qaab la isku raacay oo lagu badbaadin karo dhallaanka dhimanaaya.
 
Waa in qorshaha aan u qaybinaa laba qaybood:
 
1. Maxaan innagu ka bulsho ahaan qabsan karnaa?
2. Maxaan dawlada weydiisan karnaa?
Degma walba , magaalo walba waa inay qorshahaas ku dhaqaaqaan oo meel mariyaan.
 
Waxaan isku deyaynaa inaan iskuxirno gobolada iyo degmaayinka kala duwan ee dalkan sweden si loo kala faa’iideysto, isla markaasna la isugu gudbiyo waxii macluumaad ah oo barnaamijkaan ku saabsan.
 
Aan dadaal gelino badbaadinta dhalinyarada inta ka horeysa dadaalka ah in la duugo.
 
Guulaysta!
Guddoomiyaha Gobolka Dalarna Sweden- Count council commissioner-Green Party
Ahna xubin golaha dhexe ee xisbiga cagaaran, Sweden