Buunbuuninta iyo wax qaloocinta waxaa ka fiican qoridda runta iyo waxa uu wanaaggu ku jiro

sawir-qiimo-leh

Buun-buuninta iyo wax qaloocinta waxaa ka fiican qoridda runta iyo waxa  uu wanaaggu ku jiro
Waxaa jirtay in aan kowda bishan Disember ee 2016 ku soo qoray bogeyga twitterka qoraal kooban oo isugu jirey kaftan iyo dareen dhiiro gelin aan kala kulmay shir waalidiin oo waxbarashada caruurtooda looga hadlayay. Qoraalkaa sidan buu ahaa:-

Qoraalkaa si gooni ah ugama aan hadleyn Soomaali, mana adeegsan erayga Soomaali waayo shirka wuxuu  ahaa mid u dhexeeyey qowmiyado badan oo dalkan Norway ku nool. Hase yeeshee waxa wargeyska NorSom News oo qoraalkaa sii qaatey, kana ka sii sameeyay dhowr qoraalo kale, hadalkaygiina  u qoloociyay sidii qof ka hadlaya Soomaali, dantuu ka lahaaba.
Waxaa aan doonayaa in aan idiin sheego sida ay wax u dhaceen, iyo waxa igu kalifey in kalmadahaa la dhibsadey ay iga soo fakato.
Waxaa in mudo ah wada shaqeyn naga dhaxeysey qaar ka mid ah iskuulaadka Oslo kuwa ugu ajaanibka badan. Ulajeedada xiriirkaa ayaa ku saleysneyd sidii loo xoojin lahaa loona wanaajin lahaa xiriirka iskuulka iyo waalidka ka dhaxeeya.
Waxaa jira iskuulaad qaarkood oo aan shirarka waalidiinta sidii loogu talagaley ee sharciga waxbarashada sheegaya aan u qaban, duruufooyin kala gedisan aawadood. Iskuulaadka baan talo iyo tababaro siiney. Mid ka ah iskuulaadka ayaa nagu marti qaadey shir ay u qabanayeen waalidiinta iyo ardeyda dhigata galaaska 10-naad. Talooyinkii aan u soo jeediney buu iskuulkaa raacey oo martiqaadkii shirka luuqadooyin kala gedisan bey ugu tarjumeen waalidkii. Maalintii ka horeysey shirkana waalidiintii bey telefoonka ku waceen si ay u xasuusiyaan shirka  dhici doona.
15-kii jinsiyadood ee iskuulka ugu badneyd ayay 15 turjumaano u dalbeen. Waxey filanayeen in waalidiin ilaa 100 gaari doona uu shirkaa imaan doono. Balse halkaa waxaa isugu yimid waalid qiyaastii gaarayay ilaa 20 qof. Intii halkaa isugu timid waxey ka soo kala jeedeen Galbeedka Yurub, Somaliya, Afghanistan, Irak. Eritrea, iyo kuwo kale. Waalidiinta maadaama ay yaraayeen waxaa ii suurta gashey in aan la sheekeysto. Intooda badan marka laga reebo kuwa Yurubta ka soo jeeda, waxey ahaayeen dad dalkan ku nool mudo ka badan 7 sano. Waxey ii sheegeen sababta ay luuqada u baran waayeen.
Dhanka kalana, iskuulkii waxuu ka cabanayaa howsha balaaran oo ay qabteen, dhaqaalaha faraha badan ay galiyeen iyo natiijada yar oo u muuqatey. Eed dahsoon bey noo soo gudbiyeen.
Anigoo labadaa arin ka dhibtoonaya, ayaa qoraalkaa iga soo fakadey. Ulajeedaduna ma aheyn wax tarxiilid sida uu wargeyskan u buun-buuniyay, ee waxey iga aheyd dhiiragelin iyo baaraarujin in luuqada la barto.
Diintayada ayaa na amreysa in qowmadiyaha aan la nool nahney luuqadooda barano, si aan isku fahano. Waxaan kaloo ogsoon nahney in markaad luuqada barato, ay albaabo badan ku furmi karnaa. Sida adigoo fahma waajibkaaga iyo xaquuqdaada waalidnimo. Fahankaa waxuu kuu sii sahlayaa in aad ilmihaaga xaquuqdiisa difaacan karto.
Iyadoo ay barashada luuqada muhiib tahey, bay hadana ku adkaan kartaa dadka qaarkii. Halka dad kalana aysan u arkin arintaa wax muhiim ah. Hadaba sidee u caawin karnaa dadka ay luuqadu ku adkaato, kuwa kalana loogu dhiira gelin karaa in ay barashadaa ka qeyb qaataan? Hadii wargeesyadii baraarujinta sameyn lahaa aysan kala saari karin waxa xaqiiqda ah, waxa kaftan ah, iyo doorka uu qofku ka hadlayo.
Walaalaha Norsom news iska leh, hadaad danta guud wanaajinteed aad rabtaan, waxaa quman in foolka lagu dhufto runta oo qof iyo qaranba xoraysa. Danta guud iyo sharaftuna waxey ku jirtaa marka ay umadu mideysan tahey oo lagana ilaaliyo lugoynta iyo xumaanta iyo waxa isku dirka keenaya.
Wabillahi Taufiq.
Waxii kheyr ku jira Allaha nagu duwo.

Ubah Cabdulahi Aden

www.ubahaden.com