Qaxooti Somaali oo lagu xiray magaallada Nairobi.

Labo ka tirsan Shaqaalaha Waaxda Diiwaan-gelinta Qaranka Kenya (NRB) iyo 16 Muwaadiniin Ajaaniib ah oo ay ku jiraan 13 Dhallinyaro Somali ah ayaa lagu qabtay Hawlgal ka dhacay Xaafadda Eastleigh ee Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray in dadkaasi la xiray kadib, markii lagu qabtay Dukumentiyo Aqoonsi Kenyan oo ay si sharci-darro ku heleen.

easyleighWaxaa kaloo la tilmaamay in Dukumeentiyadaasi la saaray Iskaan, lana ogaaday in sifo aan sharci ahayn lagu bixiyey, iyadoo loo xiray Labo ka mid ah Hawlwadeenada Waaxda Diiwaan-gelinta Qaranka Kenya (NRB), kuwaasi oo lagu kala magacaabo Linet Omare Nyaboke iyo Joyce Kwamboka Mokua.

Boliska Kenya waxay sheegeen in Labadaasi shaqaale Dukumentiyadda, oo ay ku jiraan Waraaqaha Aqoonsiga Kenya ka iibiyaan Shisheeyaha sharci-darradda ku joogta Kenya.

Tallaabadan ayaa timid, iyadoo ay sii kordhayaan dadka La-tuhunsan yahay ee sida sharci-daradda ku haysta Dukumentiyadda Kenya.

Dhinaca kale, 13-ka Qaxootiga Soomaalida ayaa la filayaa in dib loogu soo masaafuriyo gudaha Somalia, kadib, marka la soo gebagebeeyo Baaritaanka Kiiskooda oo loo gudbiyey Maxkamadda Nairobi.