Somali-Norwegian la sheegay inuu watay Lacago la been abuuray oo lagu qabtay Garoonka JKIA ee Nairobi.

Maamulka Canshuuraha ee Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) ee magaalladda Nairobi ayaa maanta sheegay inay Khamiistii hore qabteen 2 nin oo watay Lacag EURO oo Been Abuur ah.

Wargeyska The Standard ayaa qoray in  Lacagtaasi lagu qabtay Nin haysta dhalashadda dalka Norway oo lagu magacaabo Abdi Osman iyo Nin  Sudanese ah oo lagu magacaabo Mohamed Hassan Al-dahir Al-Hassan, kuwaasi oo doonayey inay Lacagtaasi la raacaan  Diyaarad ku sii jeeday magalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Lacagtaasi ayaa la sheegay in lagu soo tolay Laabatadda Sawaariil fara badan oo lagu soo riseeyey 2 Boorso oo ay raggaasi wateen.

Madaxa Canshuuraha iyo Kontoroolka Xuduudaha ee dalka Kenya, Julius Musyoki ayaa sheegay inay xog dhinaca Sirdoonka ku heleen inay jiraan 2 nin oo doonaya inay si xeelladaysan kaga gudbaan Ilinka 7-aad ee Garoonka JKIA abaarihii 10:30 Fiidnimo ee bishan October 27-dii.

Waxa uu intaasi ku daray inay 25 Xirmo oo Saraawiil ah ka heleen 178 Lacag Warqad ah (Notes), oo midiiba tahay 500 Euro.

Waaxda Duullimaadka Diyaaradaha ee JKIA ayaa laga soo dheehday Tikidhka ay jarteen Labada Eedeysane, iyadoo uu Wargeyska The Standard qoray inuu qorshahoodu ahaa inay bishan Oct. 27)-dii tagaan Dubai, kadibna ay bishan (Oct. 31)-da oo maanta ah ku soo laabtaan Nairobi.

Waxaa kaloo u jarnaa Tikidh Nairobi-Muqdisho, iyagoo  maalinta Arbacadda ee soo socota (November 2)-da  u dhoofi lahaayeen magaalladda Muqdisho.

Xigasho: The Standard