Daawo Sawirada: Madaxweyne Uhurru oo ka codsaday Cumar Al Bashiir in uu taageero Musharax Aamina Maxamed

Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta oo booqasho ku tagay dalka Sudan ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dalkaasi Cumar Xasan Al Bashiir, waxa ayna labada Madaxweyne kawada hadleyn arimo dhoor ah.

Uhurru Kenyatta oo olole ugu jira in Wasiirada Arimaha Dibada dalka Kenya Aamin Maxamed loo doorto Gudoomiyaha Midowga Afrika ayaa ka codsaday Madaxweyne Cumar Al Bashiir in uu ololahaasi ku taageero .

Madaxweyne Al Bashiir ayaa niyada u dajiyay Madaxweynaha dalka Kenya waxa uuna u balan qaaday in dalkiisa uu taageerayo Musharaxad Aamin Maxamed oo u tartameysa qabashada xilka Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale kawada hadlayxariirka labadooda dowlada ka dhaxeeya iyo xaaladaha dalalka Soomaalida iyo Koonfurta Sudan , waxa ayna labada Madaxweyne isa garteen in aysii xoojiyaan xariirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal.

Aamina Maxamed oo asalkeedu Soomaali yahay ayaa u sharaxan in ay noqoto Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, waxaana Dowlada Kenya ay hada wadaa olole ay taageero ugu raadineyso gabadhan sidii ay xilkaasi ugu guuleesan laheed.